Latest News

Guddida Ka Hortaga Covid19 Ee Somaliland Oo Lagu Wareejiyey Lacag Dhan $700,000 Dollar

Hargeysa, June 13, 2020 (Haatuf) –  Gudoomiyaha Guddida ka hortaga iyo la
dagaalanka cudurka Covid19, ahna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan
Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Xafiiskiisa ku gudoomay qaadhaan
lacageed oo dhan $700,000 (Todoba boqol oo kun oo doolar) oo Cabdiraxmaan Cali
Cabdi oo wakiil ka ahaa Ganacsade Maxamed Siciid Ducaale oo isaguna Wakiil ka
ahaa Sheekh Hamad Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah oo kamida Boqortooyada Kuwait isalmarkaana degan Gobolka Saaxil.

Sheekh Hamad Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah ayaa guud
ahaan Somaliland oo soo gaadhsiiyey 1,000,000, (Hal milyan oo doolar) waxaana
300.000 oo lacagtaasi kamida saaka Xafiiska Dahabshiil ee Berberi uu ku wareejiyey.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna
Gudoomiyaha Guddida heer qaran ee Covid19 oo lacagtaasi gudoomay ayaa ugu
horaynba waxa uu mahad naq usoo jeediyey Sheekh Hamad Sabah Al-Ahmed Al-Jaber
Al-Sabah oo uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu yahay shakhsi ku qaaliya
dadka reer Somaliland isla mar ahaantaana Somaliland deegaan ahaan ka dega
Gobolka Saaxil, lacagtaasna uu usoo wakiishay Shirkada Dahabshiil inay
gaadhsiiso Xukuumada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ballan qaaday inay
lacagtaasi gaadhi doonto dadkii loogu talo galay iyadoo la samyn doono wajigii
labaad ee Raashin qeybinta Degmooyinka Dalka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial