Latest News

Madaxweynaha JSL Oo Tabobar Usoo Xidhay Dufcaddii 2aad Ee Dhallinyarada Shaqo Qaran

Darar-weyne, June 1, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tababar usoo
xidhay dufcaddii labaad ee carbiska shaqo qaran oo uu tababar ugu soo
dhammaaday deegaanka Darar-weyne oo dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda
Hargeysa.

Munaasibad kooban oo uu madaxweynuhu kusoo xidhayey
dufcadda labaad ee dhallinyarada Barnaamujka Shaqo-qaran oo uu himiladiisa iyo
hirgelintiisaba lahaa, ayaa waxa kala qayb-galay xubno kamid ah golaha
wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, hormuudka barnaamujka
shaqo qaran iyo marti-sharaf kale oo kooban, waxana goobta laga jeediyey
hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani guud ahaan qaranka,
dhiirrigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray is-dhexgalka iyo is
fahanka bulshada.

Agaasimaha guud ee Barnaamujka shaqo qaran Maxamed Xuseen
Cismaan (Mu’addinka) oo ugu horrayn oo madasha hadal hadal dhinacyo badan leh
ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay maamul ahaan ka qabteen
horumarinta iyo dhammaystirka dhammaanba adeegyada Aas-aasiga ah ee ay u baahan
yihiin da’yarta lagu carbinayo Akadamiyadda Darar-weyne oo haatan maraysa heer
wanaagsan, waxana uu madaxweynaha uga mahadnaqay hindisihiisa guulaystay ee
dhidibada loogu taagay Barnaamujka Shaqo-qaran oo ay ka aflaxeen Kumannaan
dhallinyaro ahi.

Agaasime Maxamed Xuseen Cismaan waxa uu shaaca ka qaaday
in guulaha ugu waaweyn ee uu Barnaamujkani qaranka usoo hooyey ay ugu muhiimsan
yihiin inuu meesha ka saaray dhaqamadii gurracnaa ee gacan-togaalaynta, kor u
qaaday caddaaladda muwaadiniinta dhexdooda, waxana isaga oo arrimahaas ka
hadlaya uu yidhi, “Waxan si weyn ugu qanacsanahay in hawlgalka shaqo qaran uu
quus geliyey dhaqankii liitay ee Musuqmaasuqa iyo mad-madowga, korna u qaaday
sugidda caddaaladda, maamul-wanaagga iyo kalsoonida shacabka ee sharci loo
siman yahay, tiirarka maamul-wanaagga ayeyna kamid tahay in hawl kasta oo la
qabanayaa ay yeelato nidaam sugan iyo xeer lagu ilaaliyo oo ay ku
wada-baarugsan yihiin dhinacyada hawshaasi kordhiso.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu agaasimuhu xusay in
dhallinyarada lagu carbiyey barnaamujka Shaqo-qaran, ay madaxweynaha uga
mahadnaqayaan wax wada-lahaanshaha iyo wadaagga dawladnimada,“Madaxweyne
Barbaarta shaqo-qaran guud ahaan iyaga oo u han weyn qarankooda waxa ay ugu
bogaadinayaan tallaabooyinka toolmoon ee aad u qaadday dhinaca caddaaladda
bulshada, kobcinta wax wada-lahaanshaha, wadaagga dawladnimada iyo khayraadka
dalka iyo maamul-wanaagga,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Xuseen Cismaan.
Taliyayaasha ciidamada militeriga iyo Booliska iyo wasiirka Gaadiidka iyo
horumarinta Jidadka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si guud u hambalyeeyey
guusha ballaadhan ee Barnaamujka shaqo-qaran oo kamid ah himilooyinka ugu
waaweyn ee madaxweynaha qaranku uu u guulaystay ee uu shaqo-abuurka,
is-dhexgalka da’yarta iyo hilaadinta himilada barbaarta da’da yar ee reer
Somaliland u soo kordhiyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ugu horrayn bogaadiyey dhallinyarada ka
aflaxday kulliyada Shaqo-qaran, waxana uu tilmaamay in ujeeddada barnaamujkani
tahay sidii isku duubni iyo wada-jir loogu gaadhi lahaa himilada uu qaranku
leeyahay, xil weynna la isu saari lahaa, waxana uu yidhi, “Halkan waxa laguu
keenay inaynu isla garanno dawladnimadu waxa ay tahay, waxa aynu doonayno iyo
sidaynu u wada qabanayno, qoladiinna mutacallimiinta ahina aqoontii aad
barateen intaasaa lagu kordhinayaa, marka intaa la helo waxa idin fuulaya xil
ah inaad u diyaar garowdaan dadka la sugayo dalka inay hoggaamiyaan.”
Madaxweynuhu waxa uu barbaarta ka aflaxday dufcadda labaad ee Barnaamujka
shaqo-qaran ku tilmaamay keyd uu qaranku leeyahay oo markii loo baahdoba u
diyaar ah inay qarankooda samata bixiyaan, waajib culisina saaran yahay, “Laga
Bilaabo maanta waxa aad kamid tihiin ciidanka qaranka oo keyd baad tihiine ma
tihidin dad shicib ah oo madax bannaan, rag iyo dumarba keydkaad ku jirtaan,
marka la idiin baahdo ee dhibaato dhacdona waxad tihiin mutaddawiciinta ugu
horreeya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dufcadda labaad ee dhallinyarada shaqo qaran oo ka kooban
wiilal iyo gabdho, ayaa haatan waxa u bilaabmay wejigii labaad ee barnaamujka
oo ah carbis shaqo (Internship), kaas oo socon doona muddo hal sano ah.

Ugu dambayntii waxa madasha shahaado-sharafyo lagu
guddoonsiiyey shirkado, hay’ado madax bannaan iyo shakhsiyaad kaalmo muhiim ah
ka qaatay hirgelinta barnaamujka shaqo-qaran ee ay maanta ka aflaxeen dufcaddii
labaad.

Wa Bilaahi Tawiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial