Latest News

Madaxweynaha Somalia Oo Cafis U Fidiyey 148 Maxbuus

Muqdisho, April 2, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo
xoojinaya dadaallada ku aaddan ka hortagga cudurka Koroona ayaa Cafis
Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud.

Madaxweynaha  ayaa
soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda
maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka
Abuukaate Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliska
Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug
weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si
looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin.

Si  waafaqsan
Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya waxa uu Madaxweynuhu
xukumaneyaashan u fidiyey  cafis
Madaxweyne, iyada oo la xaqiijiyey in dhammaantood aysan u  xukunneyn falal danbiyo culus.

Cafiskan oo aan saamayn ku yeelan doonin xuquuqda
madaniga ah waxaa fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyada oo
la raacayo awaamiirta ku xusan xeerkan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial