Latest News

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti

Jabuuti, June 14, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee
uu hoggaaminayey oo hiirtii hore ee saaka ka ambo baxay caasimadda Somaliland
ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka
Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey
ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay
wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo
Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed
Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi
Cabdi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da
ee Madaarka, waxaana Waftiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka
Kempinski.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial