Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Xarun Lagu Dabiibo Carruurta Wadnuhu Daloolo

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay booqday cusbitaalka gargaar
gaar ahaan xarun lagu dabiibo, islamarkaana qalliinno loogu sameeyo carruurta
yar yar ee soo dhasha iyaga oo wadnuhu daloolo oo Kharashka ku baxaya laga
bixiyey qasnadda qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu farxadda iyo rayn-reynta la qaatay
carruurta iyo waalidiinta dhashay ubadka ku dhashay iyaga oo wadnuhu daloolo oo
daaweyn guulaysatay oo aanay lacagi kaga bixin loogu fuliyey dalka gudihiisa,
kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxadda caafimaadku.

Qaar kamid ah dhakhaatiirta gacanta ku haya daaweynta loo
sameeyey ubadka yar yar ee wadnuhu daloolay oo halkaas ka hadlay, ayaa ku
dheeraaday dedaalka ay u galeen carruurta yar yar iyo dhibaatadii ay hore u soo
mareen, waxana ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan caawinta ubadka yar yar,
iyaga oo madaxweynahana ku ammaanay sida uu ugu dhiirraday inuu bixiyo
kharashka lagu daboolay baahida caafimaad ee ubadkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa dhakhaatiirta uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaateen daaweynta
ubadkaas yaryar, waxana uu caddeeyey inuu carruurtaas kharashkii lagu daaweeyey
ka bixiyey qasnadda qaranka, waxana uu yidhi, “Kharashku waa kharashkii
qaranka, xaq baynna ku leeyihiin, ninka masuulka ahina wixii qaranku hayaa, wax
Hooyaday iyo Aabahay iiga tageen oo anigu aan leeyahay oo gaar ah maan bixine
waa xoolihii qaranka, iyagaana ugu mudan oo qofka bukaanka ahina qaranka
wixiisa wax buu ku leeyahay.”

Carruurta soo dhalata iyaga oo wadnuhu daloolo, ayaan
haatan ka hore dalka gudihiisa waxba lagaga qaban jirin, islamarkaana intii
kharash hesha oo kali ahi ay dalka dibaddiisa qaban jirtey, balse madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aansaday inuu isagu bixiyo kharashkaas, dalka
gudihiisana la keeno agabka iyo dhakhaastiirta loo baahan yahay si ubadkaas
dalka wax loogu qabto.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu cusbitaalka
International ee magaalada Hargeysa ku booqday Oday Maxamed Diiriye oo ah
Aabaha dhalay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Mudane
Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo xaalad caafimaad u jiifa halkaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial