Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Aaska Marxuum Axmed-Yaasiin Xaaji Abu-site

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse
Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas xabaalaha Xaraf ee duleedka Caasimadda
Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site oo
xalay geeriyooday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa Aaska
Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site kala qayb-galay shir-guddoonka
golaha wakiillada, hoggaanka axsaabta qaranka, wasiirro, xildhibaanno,
ganacsato iyo boqollaal ka mid ah mudanta reer Somaliland, kuwaas oo marxuumka
Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelka iyo qaraabadana samir
iyo Iimaan u rajeeyey.

Xubno ka mid ah 
madaxda qaranka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday Xusuusta
marxuumka iyo guud ahaanba qoyska reer Abu-site ee uu kasoo jeeday oo taariikh
dheer ku leh Somaliland, waxaana ay Eebbe uga rajeeyeen inuu jannooyinkiisa ku
casuumo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa marxuumka ku tilmaamay haldoor ku dayasho mudnaa
oo ka baxay bulshada reer Somaliland, isla-markaana safka hore kaga jirey ka
qayb-qaadashada arrimaha khayriga ah, isaga oo Eebbena uga baryey inuu
janneeyo.

Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site, ayaa
kamid ahaa dadka caanka ah ee reer Somaliland, isaga oo ka soo jeeday qoys
taariikh dheer ku leh ganacsiga iyo arrimaha Khayriga ah ba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial