Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka Ah

Hargeysa, September 6,
2020 (HaatufOnline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan
Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga Madaxtooyada shir muhiima
kula qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ka hawlgala Somaliland.

Kulankan, waxa lagu lafo-guray
sidii Ururrada Bulshada rayidka ahi ay qayb uga qaadan lahaayeen arrimaha
dardargelinta doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, isla markaana si
wada-jira loogu hirgelin lahaa hiigsiga iyo himilooyinka dalka ee la xidhiidha
arrimaha doorashooyinka, doorka dhallinyarada iyo haweenka ee ka
qayb-qaadashada doorashooyinka iyo dhiirri-gelinta aqoonta saxaafadda.

Dhankooda, hoggaanka
Ururrada Bulshada rayidka ahi waxay muujiyeen dareenkooda ku aaddan inay diyaar
u yihiin gacan-ka-geysashada iyo ka midho-dhalinta qorsheyaasha horumarineed ee
dalka.

Gebagebadii shirka,
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku bogaadiyey Ururradda Bulshada
Rayidka ah dedaalka ay ugu jiraan horumarka dalka, Wuxuuna Madaxwaynuhu
hoga-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta Ururrada
Bulshada, kuna adkeeyey inay sii kordhiyaan ka shaqaynta arrimaha bulshada ee
dalkooda.

 ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha
JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial