Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Dawladda Kenya

Hargeysa, July 3, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu habeenimadii xalay qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo ka socday dalka aynu xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimo inaga dhexeeyo ee Keyna, weftigaas oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah.

Ugu horayn xubnaha waftigu waxay
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyeen Salaan ay uga sideen
Madaxwaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta, Imaatinka waftiguna waxa uu
daba socday waftiyo dhawr ah oo labadii sanno ee u danbeeyay ay is dhaafsanayeen
labada waddan, ujeedkooduna ahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada
waddan ka dhaxeeya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska.

Madaxawaynaha Jamhuuriyada
Somaliland waxa uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay
weftiga imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay
salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya, mudane Uhuru kenyatta,
waxaanu ku bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo
deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay.

Waxaanu Madaxwaynuhu xubnaha weftiga
si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal Somaliland
iyo Kenya iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay iskaashiga iyo wax-wada
qabsiga wadamadda gobolka geeska Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan dalka Kenya
oo ay Somaliland wax badan wadaagaan.

Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu
xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay
wada-hadalada u dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii Kenya
door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah
horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD.

Ugu danabayntiina waxa uu
Madaxweynuhu salaan iyo bogaadin u diray madaxaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru
kenyatta iyo shacbiga dalkaasi oo ay Somaliland ka dhaxayso xidhiidh
walaaltinimo.

Kulankaa waxa madaxawaynaha iyo
waftiga ku wehelinayay wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee
Somaliland iyo wasiir ku xigeenkasa.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial