Latest News

Madaxweyne Biixi Oo Daah-furay Wejiga 2aad Ee Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF

Hargeysa, September 29, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha
Jahuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u
daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa horumarinta Somaliland ee
SDF.

Munaasibadda uu madaxweynuhu ku daah-furay wejiga labaad
ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay gadh-wadeen ka
tahay wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka Somaliland,  ayaa waxa kala qaybgalay Xubno kamid ah
golaha wasiirrada, madax ka socotay dalalka Somaliland ka taageera Sanduuqan ee
Denmark, Holland iyo Ingiriiska, agaasimeyaal iyo marti-sharaf kale oo tiro
badan, waxana laga jeediyey hadallo diirrada lagu saaray muhiimadda  ay mashaariicda wejigan labaad ku jiraa
qaranka u leeyihiin iyo sida ay xukuumaddu daacadda uga tahay inay si hufan u
hirgalaan.

Ugu horrayn Ku-xigeenka 
madaxa Horumarinta Somaliland  ee
Sanduuqa horumarinta Somaliland Mudane,  
Najax Maxamuud Aadan, ayaa sharraxaad ka bixiyey meelaha uu diiradda
saarayo wejiga labaad ee mashruucani, waxana uu tilmaamay kobcinta kaabayaasha
dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada dawladdu halbowle u yihiin wejiga
labaad ee mashaariicda horumarinta Somaliland.

Mudane Najax waxa uu sidoo kale xusay in dhismaha marsada
Maydh, dhismaha iyo dayac-tirka waddooyinka muhiimka ah, koru-qaadidda adeegga
biyaha, kobcinta wax soo saarka Xoolaha iyo Beeraha, kobcinta tayada shaqaalaha
dawladda, iyada oo la dhammaystiri doono mashaariicdii caafimaadka iyo
waxbarashada ee wejigii koowaad ee mashruuca Sanduuqa horumarinta Somaliland ee
SDF ay laf-dhabar u yihiin wejiga labaad ee mashruucan.

Morgan Ralley oo ku hadlayey magaca  Saaxiibadda Somaliland ee qaybta ka ah
Sanduuqa, ayaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday muhiimadda mashaariicdani u
leeyihiin bulshada Somaliland iyo sida ay dawladaha lacagaha ugu deeqa
sanduuqani ula dhacsan yihiiin nidaamka daaha-furan ee ay dawladda Somaliland u
maamusho.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta  qaranka iyo Horumarinta, Mudane Xasan Maxamed
Cali (Gaafaadhi) oo isagu hormuud u ah qorshaynta iyo jaangoynta mashaariicda,
ayaa ugu horrayn ammaanay nidaamkii ay ku dhammaadeen wejigii koowaad ee
mashaariicda sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo guulaha ay mashaariicdaasi u
horseedeen  qaybihii kala duwanaa ee laga
maalgeliyey, isaga oo hoosta ka xarriiqay in wejiga labaadna  ay ku rejo weyn yihiin inay guulaysan
doonaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi oo si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca sanduuqa
horumarinta Somaliland, ayaa  dawladaha
Somaliland ka taageera dhinaca horumarka ee sida tooska ah sanduuqan lacagta
ugu shuba ee kala ah  Ingiriiska,  Denmark iyo Dawladda Netherland, kuwaas
Somaliland ku taageeray  sidii ay
dhaqaale ugu heli lahayd fulinta mashaariicda horumarineed ee Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay Somaliland ka go’an
tahay in mashaariicda kala duwan ee dunidu ku taageertaa u socdaa hannaan
daah-furan oo cid waliba arkayso nidaamka ay hawluhu socdaan oo aanu marnaba
imannin wax shaki ahi, “Waxa dawlad ahaan naga go’an in mashaariicda
horumarineed ee Somaliland lagu taageerayaa ay dhammantood maraan waddadii
loogu talo galay oo aanay xagga Somaliland ka imannin wax dhaliil ahi, haddii
ay dhaqaalaha tahay iyo haddii ay maamulka tahayba. Waxa kale oo naga go’an
inaannu waddamada na taageera iyo dawladaha na taageera u caddaynaynaa inaanu
doonayno inay wada-shaqaynteennu noqoto mid daah-furan oo labada dhinacba arki
karaan sida ay hawshaasi u socoto maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba,” ayuu
yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay
dawladaha  Saaxiibka la ah
Somaliland  inay taageeradooda dhaqaale
soo mariyaan   Sanduuqa Horumarinta
Somaliland ee SDF, maadaama oo uu sanduuqani yahay  nidaam la tijaabiyay isla markaana
guulaystay, yareeyayna kharashaadkii maamul ee deeqaha horumarineed.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial