Latest News

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka Somaliland Iyo Ummadda Islaamka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga

Hargeysa, May 23, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka Hijriyada Islaamka ee 1441-naad.

Waxaanu Madaxweynuhu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, waxaanu Ilaahay inooga baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Ilaahayna inoo dambi-dhaafo, wixii dhibbana dhibta Alle ka dulqaado, xanuunkan aduunka sameeyey ee karoona-fayris-na innaga dulqaado culayskiisa.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu, ummadda reer Somaliland u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ee ay ku jireen, nimcadana khayrkeeda inna siiyo, nabad iyo caano, colaad la’aan, caydh la’aan iyo cudur la’aana Ilaahay inaga yeelo, Ilaahay idankiina bishan bisheeda aynu ku gaadhno innaga oo halkan aynu joogno meel ka fiican joogna.

Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacaladeeda.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial