Latest News

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka

Hargeysa, June 18, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii la soo dhaafay
ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dalka Jabuuti kaga qaybgalay
wadahadalo Somaliland iyo Somalia uga socday dalka Jabuuti oo ay ku yeesheen.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa wax aka qaybgalay dadweyne tiro badan oo ku
dhaqan caasimada Hargeysa, kuwaas oo lulayey calanka Jamhuuriyadka, kuna
dhawaaqayey halku dhigyo ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii uu ka soo dagay
garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo la hadlay Warbaahinta waxa uu ka
hadlay arimo ku saabsan shirkii Somaliland iyo Somalia ay ku yeesheen dalka
Jabuuti.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial