Latest News

Nicolas Berlanga Oo Beeniyey In Lacago Gargaar Ah Oo Midawga Yurub Ugu Deeqay Soomaaliya Laga Qadiyey Somaliland

Nairobi, April 21, 2020 (Haatuf) – Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia, Nicolas Berlanga ayaa beeniyey war ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland oo sheegay in ‘27 Milyan oo Euro oo Midawga Yurub ugu deeqay Soomaalida in laga qadiyay Somaliland iyo Aamusnaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi’

Ambassador Berlanga, oo ka jawaabayey warkaasi, isla markaana qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hor imaado warkaasi, waxaanu yidhi “Waan ku faraxsanahay inaan ka hor imaado macluumaadka warkan. Dawladuhu horeba way u ogaayeen khadadka uu maro gargaarka Midawga Yurub ee tagaya Somaliland, oo ay ka mid yihiin Wacyigelinta/ ololaha wacyigelinta, qalabka hoos taga WHO, iyo suurtagalnimada Taageerada Miisaaniyadda.” Ayuu qoraalka uu soo dhigay Twitter-ka Nicolas Berlanga uu ku yidhi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*