Latest News

Puntland Oo Aastay Qof Looga Shakisan Yahay Coronavirus Oo Garoowe Ku Geeriyooday

Garoowe, March 29, 2020 (Haatuf) – Waxaa maanta magaalada Garoowe lagu aasay qof kamid ahaa dadkii looga shakisanaa cudurka Coronavirus, kaasoo xalay ku geeriyooday xarun lagu karantiilo dadka laga helo calaamadaha cudurka oo dhawaan laga hirgaliyay Garoowe.

Waxaa maydkiisa galbinayay shaqaalaha caafimaadka oo xidhan dharka iyo qalabka lagaga gaashaanto cudurka.

Wasaaradda caafimaadka maamul goboleedka Puntland ayaan wali kiiskan si cad uga hadal, balse qoraal kooban oo ay soo saartay waxay ku beenisay inuu jiro wax kiis ah oo cudurka Coronavirus ah.

Waxaa kale oo ay sheegtay inay sharciga la tiigsan doonto dadka wararka been abuurka ah ka faafiya cudurka.

Iskusoo wada duuboo, waxaa kaliya ee ay Puntland ku beenin karto ama ku xaqiijin karto jiritaanka cudurkaan waa marka uu soo baxo natiijada baadhitaanka lagu sameeyay dadka la karantiimay ee uu ku jiray qofka geeriyooday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*