Latest News

Shiinaha Oo Ka Cadhooday Wefti Maraykan Ah Oo Socdaal Ku Tagay Taiwan

Taipei, August 9, 2020 (Haatuf) – Xoghayaha Caafimaadka iyo Adeegyada Aadamaha ee
dalka Maraykanka Alex Azar ayaa socdaal ku tagay Taiwan Axadii
maanta,
isagoo hogaaminaya wefdi Maraykan ah oo booqasho seddex maalmood ah ku joogi doona halkaas, iyagoo
la kulmi doona MadaxweyneTsai
Ing-wen.
Socdaalkan
oo noqonaya kii ugu heerka sarreeyay ee
sarkaal Maraykan ahi
ku tago halkaa tan
iyo markii uu burburay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Washington iyo
Taipei 1979.
Waxaanay
booqashadani timid
iyadoo xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha uu hoos ugu dhacay halkii ugu hoosaysay taariikhda.
Shiinaha ayaa diidan xidhiidhka
rasmiga ah ee
u dhexeeya Maraykanka
iyo Taiwan, oo ay ku sheegato inay tahay dhulkeeda oo ka mid ah Shiinaha, halka madaxweynaha Taiwan uu si adag ugu ololeeyay
aqoonsiga Taiwan inay tahay qaran madaxbanaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial