Latest News

Shirkadda DP World Oo Kordhisay Inay Somaliland Ka Caawiso Dagaalka Ka Dhanka Ah Covid-19

Berbera, April 23, 2020 (Haatuf)
–  Shirkadda DP World ayaa sheegtay inay
kordhisay inay Somaliland ka caawiso la dagaalanka cudurka Coronavirus sida
lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda DP World, kaas oo u
dhignaa sidan:-

Koox dad ah oo taagan qol si toos ah u
muujinaya in shirkadda DP World ay u adeegsato
ganacsigeeda caalamiga ah iyo khibradda dhinaca farsamada saadka si ay Somaliland
uga taageerto shixnadaha degdega ah ee ay kujirto qalabka
qofka hawada ka taageera, qalabka ilaalinta iyo daawooyinka, Dekadda ayaa
sidoo kale bilawday mashruuc ay ku soo saarayaan marada wajiga
lagu xidho ee (personal face masks) gudaha Dubai, 21 Abril 2020: Shirkadda DP World, oo ah hormuudka ugu weyn ee
bixisa adeega saadka ee ugu wanaagsan uguna casri san, ayaa bilawday
inay agab caafimaad u dirto Somaliland si ay uga caawiso
dadkeeda dagaalka ka dhanka ah cudurka faafa ee Coronavirus. Guddida Qaranka ee daryeelka iyo
Kahortagga ee COVID-19 ayaa sahayda agabkan ku heli doona
xarunta saadka casriga ee dalka, DP World Berbera.

Waxaa socda olole iskaashi ah oo ay wadaan
xafiiska DP World ee xaruntiisu tahay Dubai iyo maamulka shirkadda DP World
Berbera, si loo keeno qalab ay ku jiraan qalabka qofka hawada
ka taageera, qalab xidhmooyinka iyo tiro aad u badan oo ah
qalabka difaaca shaqsiyadeed ee dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha caafimaadka, oo
ah qaybta koowaad iyo shaqaalaha kale ee gurmadka. Waxa kale oo ka mid ah galoofisyada
gacmaha lagu xidho, maaskarada caafimaad,
gaashaanka wejiga, iyo dhamaan qalabka loo baahan yahay.

Qalabkan ayaa laga
keenay dalal kala duwan oo ay ka mid tahay Imaaraatka Carabtu, waxaanay
Somaliland ku soo gaadhi doonaan maraakiib badan iyo dhinaca
hawada. Intaa waxa u dheer, shixnadaha waxaa ku jira tiro aad u fara badan
oo daawooyin muhiim ah. In kasta oo ilaa iyo hada aysan jirin daaweyn gaar ah
oo loo helay fayraska illaa iyo hadda, dhakhaatiirta meel walba
waxay ku dadaalayaan sidii ay u yareyn lahaayeen astaamaha una yareeyn
lahaayeen dhibaatooyinka.

Shixnadaha ayaa sidoo kale waxaa ku jira 5,000 xidhmooyinka
tijaabada COVID-19 lagu qaado oo deg deg ah. Tijaabinta ayaa muhiim u ah
fahamka iyo xakameynta faafitaanka cudurka, iyo farsamayaqaanno caafimaad ayaa
durba loo diray Kenya tababaro xirfadeed oo ku saabsan farsamooyinka baadhista wax ku
oolka ah.

Somaliland waxay ballanqaaday inay ka caawiso
deriskeeda Soomaaliya iyo Yemen baadhitaanka
fayraska dilaaga ah marka nidaamka baadhitaanku
shaqeynayo. SUPACHAI WATTANAVEERACHAI, Maamulaha Shirkadda DP World Berbera,
ayaa yidhi: “In kasta oo ay wali jiraan dhawr kiis oo laga xaqiijiyey
Somaliland, haddana waxaanu aragnay saamaynta ba’an ee fayrasku ku
yeeshay waddamada kale ee adduunka. Marka la eego dawaynta, waxaan
dareensanahay inay muhiim tahay inaan taageerno dowladda oo aan awoodno inaan
tijaabinno kiisaska looga shakisan yahay fayraska dalka gudihiisa. Caawinaad
balaadhan oo aanu ka helnay
kooxdeena Dubai, waxaan ku guuleysanay inaan soo dejino agab ama sahay
caafimaad oo badan, oo ah qalabka ka hortaga iyo tijaabin fayraska
si loogu qaybiyo Somaliland. ” Si looga gudbo kharashaadka sare ee marada
wajiga lagu xidho ee masks oo la soo dejiyo, DP World Berbera waxay la
timid qorshe cusub. Wattanaveerachia wuxuu sii
watay hadalkiisa waxaanu yidhi: “Waxa ka jira meel-laga helayo
marada wajiga lagu xidho oo ku yaal magaalada Berbera, sidaa darteed waxaan
fursad u helnay inaan la shaqeeyno Duqa Magaalada iyo Guddoomiyaha Magaalada
Berbera si dadka deegaanku u soo saaraan maaskarada wajiga lagu xidho oo dalka
gudihiisa lagu sameeyey. Waxaan dooneynay inaan siideyno wax ku oolka iyo
kartida ganacsi ee bulshada ku nool Somaliland, si aan gacan uga geysanno wax
ka qabashada arrimaha sicirka qaaliga ah iyo xaddidaadda maaskaro. ” Kooxda DP
World Berbera waxay si joogto ah u xoojineysaa farriimaha caafimaadka
shaqaalaheeda, qoysaska iyo saamileyda, iyadoo la raacayo hagida ugu dambeysa
ee Ururka Caafimaadka Adduunka, waxayna u direen fariin cad oo ah in Jiritaanka
Bulsheed uu yahay baahi culus oo aan ikhtiyaar u ahayn oo kaliya bulshadeenu
inay bad-qab ahaato.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial