Latest News

Somaliland Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lix Nin

Mandheera, (Haatufonline) – Xeer-ilaalinta guud ee Somaliland
ayaa sheegtay in saaka lix gacan ku dhiigle lagu fuliyey qisaas ka dib markii
ay ku cadaatay dil ay gaysteen.

Lixdan nin oo muddo dheer ku jiray jeelka dhexe ee
Hargeysa ayaa maanta dilkooda lagu fuliyey meel u dhow jeelka weyn ee
Mandheere.

Qoraalka ay soo saartay xeer ilaalinta guud ee Somaliland
ayaa u qornaa sidan:Iyadoo la fulinaayo amarka maxkamad sarre waxaa , saaka oo
ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho
ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina
Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay Ex-Askari Police Marxuun
Maxamed Cabdi Saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri
Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ismaaciil Faarax
Maxamad.

3: Gacan kudhiigle Khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar,
kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija
khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad
Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac.

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo
Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial