Latest News

Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Xiliga La Qaadayo Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Dalka

Hargeysa, May 18, 2020 (Haatuf) – Guddoomiyaha Guddida
Imtixaanaadka Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in 27-ka June loo fadhiisan
doono Imtixaanka dugsiyada dalka.

Sida uu sheegay Daa’uud Axmed Faarax Guddoomiyaha Guddida
Imtixaanaadka Qaranka Somaliland oo u waramay warbaahinta.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Somaliland oo
qorshuhu ahaa in la qabto 6-da June ayaa waxa dib u dhac ku keenay Xayiraada uu
sababay cudurka Coronavirus ee caalamka ku fidaya.

Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadku waxa uu intaasi ku
daray in ay si aad ah ugu diyaargaroobeen qabashada Imtixaanka Shahaadiga ah,
isla markaana ay xil way inska saari doonaan badd qabka ilaalinta Caafimaadka
Ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanka dugsiyada dalka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial