Latest News

Taiwan Oo Soo Dhawaysay Wakiilka Imaraadka Carabtu Usoo Magacawday Somaliland

Hargeysa, March 15, 2021 (Haatufonline) – Safiirka Taiwan ufadhiya Somaliland Allen C. Lou ayaa u sacaba tumay wakiilka Imaraat ku usoo magacabay Somaliland.

Wakiilka Taiwan ayaa faalo uu ku qoray bogiisa Twitter ka ku bogaadiyay dawladda Imaraatka Carabta.

“Waan ku faraxsanahay in saaxibo badan oo aanu isku fikir iyo xulufo nahay ay la shaqaynayaan jamhuuriyada Somaliland” ayuu yidhi wakiilka Taiwan.

Taiwan oo ah dal aan aqoonsi caalamiya haysan, ayaa ahayd dalkii ugu danbeeyay ee wakiil usoo magacaaba Somaliland.

Dhinacakale waxa rajo laga qaba in dawlada Kenya ay iyaduna furato xafiis keeda Hargaysa badhtamaha sanadkan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*