Latest News

Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland Oo Lagu Dilay Gaalkacyo

Gaalkacayo, August 9, 2020 (Haatuf) – Taliyihii Ciidanka Madaxtoyada maamul goboleedka Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa ku dhintay howlgal Ciidamada Puntland ka sameeyey Warshada Kabista oo maleesho mudo haysatay oo ciidamada Puntland ay saaka ka qabsadeeen.

Taliyaha ayaa ku geeriyooday iska hor imaad dhexmaray ciiddanka madaxtooyada Puntland iyo koox budhcad ah oo ka ganacsada maandooriyaha, kuwaas oo laamaha amniga gacanta kuusoo dhigeen iyaga khamrigoodii.
Ciiddanka amniga ayaa la wareegay warshadda kabidda oo ah dhul dowladdii hore ee Soomaaliya ka tagtay, balse muddo dheer gacanta ugu jirtay maleyshiyaad hubaysan oo is arursaday, oo aan cidna ka amar qaadan.

Cismaan Cumar Maxamed, ayaa muddo kooban hayay xilka taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland, isagoo lagu bedelay taliyihii ka horeeyay oo xilkaas iska casilay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial