Latest News

Tiro Ka Badan 80 Qof Oo Rayid Ah Oo Lagu Xasuuqay Galbeedka Ethiopia

Metekel, January 13, 2021 (Haatuonline) – Komishanka Xuquuqal Insaanka ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Galbeedka dalka Ethiopia in lagu dilay tiro ka badan 80 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan caruur da’doodu ka yartahay laba sano jir.

Aaron Maasho, oo ah Afhayeenka Guddida Xuquuqda Aadamaha ee dalka Ethiopia (EHRC), ayaa sheegay in xasuuqu uu ka dhacay Salaasadii gobolka Benishangul-Gumuz, oo xadd la leh Suudan iyo Koonfúrta Sudan.

Ilaa hada ma a jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan lagu laayey dadka shacabka. “Waxaan xaqiijin karnaa in kuwii ka dambeeyay weerarka aanay gacanta ku soo dhigin dawladu,” ayuu yidhi Maasho. Weerarka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Daletti, oo ku yaal aagga Metekel ee Benishangul-Gumuz, oo ay mudooyinkii u dambeeyey hadheeyeen rabshado soo noqnoqday bilihii la soo dhaafay oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Ilaa 207 qof ayaa lagu diley weerar dhacay Decmber 23-keedii, sida uu sheegay Afhayeenka Komishanka Xuquuqal Insaanka Ethiopia, kaas oo tilmaamay in kumanaan qof  ay ku barakaceeen rabshadaha gacan ka hadalka ah ee ka socda Metekel. “Waxaan ka codsaneynaa mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa gobolka inay xoojiyaan isuduwidda iyo tallaabooyinka, oo ay ku jiraan heer degmo, si looga hortago weerarada noocan oo kale ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah,” ayuu raaciyay afhayeenka EHRC.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*