Latest News

Trump Oo Xaqiijiyey In Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Is-Qarxiyey Oo Uu Dhintay

Suuriya, (Haatuf) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump
ayaa xaqiijiyey Hawl-gal Ciidammada Maraykanka ee Suuriya ka sameeyeen Gobolka
Idlib uu ku dhintay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish,.

Trump ayaa sheegay in intii Ciidammada Maraykanku wadeen
hawl-galka uu is-qarxiyey Hoggaamiyihii Daacish, sidaana uu ku dhintay oo uu
isagu Naftiisii dilay.

Trump ayaa sheegay in Abu Bakar Al-baqdaadi ay la
dhinteen Saddex Carruur ah oo uu dhalay, sidoo kalena ay hawl-galka oo duqayn
ahaa ay ku dhinteen Dad badan oo kale.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidan ku sheegay Shir-jaraa’id
oo uu goor dhawayd ku qabtay Aqalka Cad ee Maraykanka.

Ma jiraan Ciidamo Maraykan ah oo ku dhaawacmay
hawl-galkan, sida uu sheegay Madaxweyne Trump.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial