Latest News

Ugu Yaraan 100 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Beirut, Lebanon

Beirut, August 5, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha waddanka
Lubnaan Michel Aoun ayaa waxa uu golahiisa wasiirrada amray iney isugu
yimaadaan kulan deg deg ah oo looga hadlayo sida masiibadii xalay ka dhacday
magaalada Beirut looga hadli lahaa maanta oo Arbaco ah, waxa uuna dalka geliyay
xaalad deg deg ah.

Dhimashada qaraxyadii ka dhacay dekadda ayaa gaadhay 100 qof , halka uu dhaawaca uu gaadhay 4,000 .

Qaraxyada ka dhacay magaalada caasimadda u ah
waddankaas,  ayaa waxay sidoo kale
saameyn lixaad leh u geysteen guryo iyo dhimayaal dhaadheer oo qaar kamid ah ay
gebi ahaanba bur-bureen.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay aad
u kordhi kareyso, iyadoo weli kooxaha badbaadada ay weli qodayaan bur burka
dhismayaal dumay oo la aaminsanyahay iney ku hoos jiraan dad badan.

Waxaan weli caddeyn waxyaabaha qaraxaydii dhacay sabab u
ahaa, balse waxaa lasoo werinayaa in baaruud ku keydsaneyd bakhaarrada dekadda
ay qaraxday. Taas oo culeys ahaan gaareysay 2,750 tan.

Madaxweyne Aoun ayaa waxa uu isla xalay shir guddoomiyay
kulan deg deg ah oo uu la yeeshay Golaha sare ee difaaca waddankaas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial