Latest News

War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Dhuusamareeb Ee Maamul Goboleedyada, Dawladda Federalka Somalia

Dhuusamareeb, July 22, 2020 (Haatuf) – War-murtiyeed ayaa
lagasoo saaray shirkii Dhuusomareeb uga socday dowladda Federalka Somalia iyo Maamul
goboleedyadeeda, kaasoo looga hadlayay arimaha doorashada soo socota ee la isku
khilaafsanaa mudada.

Madaxda Soomaalida ayaa isku af-gartay doorasho
waqtigeedii ku dhacda oo lagu wadda qanacsan yahay.

Waxaanu War-Murtiyeedka ka soo baxay shirkaasi uu u
dhignaa sidan:-

WAR-MURTIYEED

Dhusamareeb, July 22, 2020

Shir Madaxeed ay isugu yimaadeen Madaxda Dowladda
Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah, kana dhacay
magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug 19–22 Luuliyo, 2020.
Shirka ayaa waxaa guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Mudane
Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan
Maxamed Laftagaren, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed,
amni iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray
arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana ka soo baxay;

1. Waxaa shirku adkeeyay midnimada iyo wadajirka dalka
iyo dadka Soomaaliyeed

2. Shirku wuxuu isku raacay in lasii dardargeliyo
wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee xasilinta
dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

3. Shirku wuxuu kale oo isla gartay in lasii xoojiyo
arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo geeddi socodka dhammeystirka dayn-cafinta
Soomaaliya.

4. Madaxdu waxay isla meel dhigeen inay dalka ka dhacdo
doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay.

5. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi
farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha
ka ah; guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo
habsami u socodka doorashooyinka dalka.

6. Madaxdu waxay isku raaceen in shirka labaad la isugu
yimaaddo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug muddo labo toddobaad
gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka.

7. Shirku wuxuu uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Galmudug
soodhaweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan ee ay u sameeyeen Madaxda iyo
wufuudda Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay shirka. Sidoo kale, shirku wuxuu
bogaadinayaa dib u heshiisiinta ka hana qaadday Galmudug-ta cusub taasoo ay ka
dhalatay in ay martigeliso shirkan wadatashiga ah ee looga tashanayo aayaha
Soomaaliya. Taasi waxay ku timid hoggaaminta wanaagsan ee Madaxda iyo biseylka
ay gaareen shacabkeeda si nabadda iyo horumarka salka loogu dhigo.

8. Ugu dambeyntii, shirku wuxuu u mahadceliyay Beesha
Caalamka kaalinta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska iyo horumarinta
dowladnimada Soomaaliya.

DHAMMAAD

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial