Latest News

Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Ka Warbixisay Dad Shuban Iyo Oof-wareen Ugu Geeriyooday Widh-Widh

Hargeysa, (Haatufonline) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xirgeeye ayaa shaacisay in 10 qof maalmihii u dambeeyey ay Shuban Biyood iyo Oof-wareen ugu geeriyoodeen deegaamo ka tirsan Buuhoodle.

Agaasime Xergeeyo oo maanta warbaahinta kula hadlayey
magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhakhaatiir iyo hawlwadeeno ka tirsan
Wasaarada Caafimaadka Somaliland xaaladaha caafimaad daro ee ka soo kordhay
deegaamadaasi Buhoodle.

“Xanuunku waxa uu ka bilaabmay Widh-widh oo run ahaantii
dad u badan caruur la keenayey ilaa dabayaaqadii bishii December, dad badan
ayaa la keenay oo runtii usoo dhacay gaar ahaan xanuun Xumadd, Shuban iyo
Oofwareen ah.

Xanuunadaasi waxay ahaayeen xanuuno xumadd xoogle iyo
oofwareen uu ka dilaacay magaalada Widh-widh iyo hareeraheeda oo xanaanadii
Widh-widh (MCH) la keenay dad aad u farabadan oo awoodiisa ka badan.

Markaa Wasaarada Caafimaadku way ka hawlgashay, waxaanu
uga hawlgalnay inaanu xaruntana dawooyinka ka dirno, dad khubaro ah oo
xanuunkaasi soo darsana aanu u dirno, gobolada u dhawdhaw oo uu ku jiro
Buuhoodle iyo Laascaanood labadaba laga diro kooxo dhakhaatiir ah.

Waxoogaa dhimasho 10 qof ahina ay timid, waxa hadana
jirtay in guud ahaan marka la eego dadkii tirade badnaa ee imanayey in si
wanaagsan loo daaweeyey, gacantana lagu qabtay xaaladihii, sida ay noo sheegeen
dhakhtarku ay hoos u soo dhacayso oo xaaladda Widhwidh ay soo hagaagayso,” ayuu
yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland, Maxamed Cabdi
Xirgeeye.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial