Latest News

Xaaska Raiisal Wasaaraha Ingiriiska Oo Gacanta Ku Xidhatay Calanka Somaliland Iyo Inanta Ay U Dooratay Gardaadinta Ilmaheeda Cusub Oo Kasoo Jeedda Somaliland

London,October 4,2020 (Haatufonline)-Carrie Symond oo ah haweenayda u qabo Raiisalwasaaraha UK Boris Johnson ayaa gacanta ku xidhatay giraan yar oo sawirka calamka Somaliland ku sawiranyahay.Siday qortay saxaafadda Ingiriisku Carrie Symond oo dhawaan umushay ayaa gardaadinta ilmaheeda cusub u dooratay inan la yidhaahdo Nimco Cali oo kasoo jeeda Somaliland.

Nimco iyo Carrie oo saaxiib dow ah ayaa sanadki hore booqasho dalxiisnimo ah ku yimid dalka Somaliland.Taageereyaasha xukuumadda Somalia oo ka maxruuqsan calanka Somaliland ee ay xaaska Boris Johnson gacanta ku xidhatay ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraalo cay ah oo ay ku aflagaadeynyaan Nimco Cali.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*