Latest News

Bileyska Somaliland Oo Xidhay Xoghayaha Arimaha Gudaha UCID

Hargeysa, (Haatuf) – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan, Sida uu cadeeyey Afhayeenka Bileyska Somaliland.

Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo ah Afhayeenka Ciidamada Bileyska Somaliland ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland uu si shakhsi ah uu u soo dacweeyey Ramaax oo lagu eedeeyey inuu Aflagaado u gaystay, sida uu hadalka u dhigay Faysal Xiis.

“Maxamuud Cali Ramaax ciidanka Booliska ayaa soo xidhay waxa lagu eedaynayaa inuu aflagaado iyo ceebayn u geystay guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland,” ayuu yidhi Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaane Sare Faysal Xiis, waxaanu intaasi ku daray Faysal Xiis “Wuxuu yidhi Ramaax ‘guddoomiyaha Baarlamaanku wuxuu xidhiidh la leeyahay dad cadow ku ah Somaliland’, taasi waa fal-dambiyeed uu ka soo dacwooday guddoomiyaha Baarlamaanku,” ayuu yidhi Faysal Xiis.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*