Latest News

Dawladda Sudan Oo Maleeshiyaadka Dalkeeda La Saxeextay Heshiis Muhiim Ah

Juba, October 3, 2020 (Haatufonline) – Dawladda Sudan iyo Maleeshiyaad ku kacsanaa dawladda ayaa heshiis ku kala saxeexday magaalada Juba sanad ka dib markii wadahadaladu ay dib u bilaabmeen.

Dawladda Sudan iyo Maleeshiyaadkan heshiiska kala saxeexday maanta oo sabti ah ayaa si farxad leh loo soo dhaweeyey heshiiskan ujeedadiisu ay tahay in lagu soo afjaro dagaal tobanaan sanadood socday, kaas oo galaaftay boqolaal kun oo qof oo ku dhintay dagaalkaasi.

“Maanta waxaanu gaadhnay heshiis. Aadbaanu ugu faraxsanahay. Hawshaasi waanu soo dhamaystirnay,” ayuu yidhi Tut Gatluak, oo ah Madaxa Koonfurta Sudan u qaabilsan wadahadalada, waxyar uun ka dib markii la kala saxeexday heshiiskaasi kadib markii wadahadalada nabadu ay bilaabmeen.

Wasiir iyo hoggaamiyeyaasha dawladdaha ay jaarka yihiin sida Masar, Qatar iyo Saudi Arabia ayaa shirkaasi kaga qaybgalay munaasibadd ka dhacday Juba, caasimmada dalka Koonfurta Sudan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*