Latest News

Farmaajo Oo Si Adag Ula Hadlay Safiirka Maraykanka Iyo Wakiilka QM Una Sheegay In Isagu Shirka Guddoominayo

Muqdisho,March 23,2021(Haatufonline)-Madaxweynaha Somalia ee mudo-xileedkiisu dhammaaday ayaa shalay si adag ula hadlay safiirka Maraykanka Donald Yamamoto iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia James Swan waxaanu uga digay inay isu dhigaan inay iyagu guddoominayaan shirka Xalane ee u dhaxeeya dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka kaas oo lagu eegayo sidii loogu heshiin lahaa qaabka loo qabanayo doorashadii Somalia.

Farmaajo waxa uu af buuxa ugu sheegay Yamamoto iyo Swan in isagu leeyahay kaalinta shirgudoonka inkastoo ay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ay arintaas kasoo horjeedaan oo ay doonayaan in beesha caalamku guddoomiso shirka Xalane.Hasa yeeshee Yamamoto iyo Swan ayaa haatan u muuqda niman uu Farmaajo ka adkaaday oon ka horiman karin wuxu goosto.Shirka Xalane ee loo balansanaa oo ay aheyd inuu shalay furmo ayaan wali qabsoomin oo dib loo dhigay si loo sameeyo wada tashiyo u gogol xaadha .

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*