Latest News

Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Laallay Kootaddii SOMCABLE Loogu Xidhay Fiber Optic-ga

Hargeysa, March 7, 2020 (Haatuf) – Golaha Wakiilada
Somaliland ayaa soo saaray go’aan meesha looga saarayo qodobkii kootadda loogu
xidhay shirkadda SOMCABLE keenista xadhiga Fiber Optic ee badda hoos mara oo
sanadkii 2011-kii shirkadaasi kooto loogu xidhay.

In Wax ka bedel lagu sameeyo xeerka boostada iyo
Isgaadhsiinta waxa soo gudbiyey 75 xildhibaan, kuwaas oo sheegay in cid gaar ah
in kooto loogu xidhaa ka hor imanayso dastuurka,isla markaana loo baahan yahay
Internet ka jaban ka hada la isticmaalo si loogu tartamo suuqa waa in aan cidna
kooto loogu xidhay keenista Enternet jaban oo ka xawaale badan ka hadda la
isticmaallo.

68 Xildhibaan ayaa cod ku meel mariyay wax ka beddelka
xeerkaasi, halka Xildhibaan diiday, midna ka aamusay, gudoomiyuhuna aanu
codeyn.

Shirkadaha waaweyn ee dalka sida Shirkadda Somcable iyo
Telesom ayaa muddo dheer diidanayeen in shirkad gaar ah kooto loogu xidho
keenista Internetka badda hoos mara, haseyeeshee waxay maanta soo dhoweeyeen
go’aankaasi golaha Wakiilada oo iyagu ay dabada ka raaciyeen in xeerkaasi
kootadda wax laga bedelo.

Golahan wakiiladda Somaliland ayaa sanadkii 2011-kii cod
aqbaliyad ah kooto ugu xidhay shirkadda SOMCABLE keenista Kaybalka Internetka
ee badda hoos mara, waxaana arrintaasi u fududeeyey xukuumaddii hore ee
madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee, mulkiilaha shirkada SOMCABLE ee
Internetka Maxamed Aw Siciid oo ay saaxiib dhow ahaayeen madaxweyne Biixi ayaa
talaabadani ku keenaysa inay kala fogaadaan,maadaama oo uu ahaa ninkii lacagta
ugu badan ku bixiyey doorashadiisii.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial