Latest News

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Sheegay In 12-kii Maalmood Ee U Dambeeyey Ay Muqdisho Ku Geeriyoodeen 500 Oo Qof

Muqdisho, May 2, 2020 (Haatuf) – Gudoomiyaha gobolka
Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo
ka hadlaayay munaasabad looga hadlay Covid19 ayaa sheegay in maamulku uu
diiwaan galiyay dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in maalin
walba aay geeriyoodaan 30 qof.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inay sameeyeen
tira koob ku saabsan dadka ku dhinta Muqdisho, waxaanu xaqiijiyay in 19-kii
bishii hore ilaa hada la’diiwaan galiyay 500 oo qof oo ku dhintay magaalada
Muqdisho.

“Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre ayaa nafaray inaan baaris
ku sameeyno dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, tira-koobka waxaan biloownay
19-kii bishii hore, waxaan maalin walba gudbinaa tirada dadka dhinta, tiradii
ugu yareeyd waxaay ahaayd 22 qof, tiradii ugu badneeyd oo aan u gudbinay
xafiiska Raiisul Wasaaraha waxaay ahaayd 49 qof. Tirada guud waxaay noqoneeysaa
500 oo qof”. Sidaas waxaa yidhi Cumar Filish.

Gudoomiyaha G/Banaadir ayaa hadalkiisa intaas kudaray
inaay wadaan wacyigalin ku saabsan Covid19, waxaana uu dadka ugu baaqay inaay
qaataan talooyinka caafimaadka.

Covid19 ayaa la’aaminsanyahay in si hoose uu ugu faafay
dadka Soomaaliyeed. Dowlada ayaanan weli awood badan u lahaayn inaay xakameeyso
faafista Covid19.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial