Latest News

Khilaaf Hadheeyey Garsoorka Somalia Oo Galaaftay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka Banaadir

Muqdisho, May 14, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha dowladda taagta
daran ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday
guddoomiyahii Maxkamadda gobolka Banaadir iyo guddoomiyahii maxkamadda
racfaanka gobolkaasi, isagoo xilalkaasi u magacaabay laba garyaqaan oo kale.

Talaabadan Madaxweynaha Somalia uu xilalka kaga qaaday
gudoomiyeyaashaasi ayaa ka timid soo jeedintaas ay uu usoo gudbiyey
guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somalia, Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed, ayaa laga qaaday xilka Guddoomiyaha
maxkamadda gobolka Banaadir oo uu soo hayey tan badhtamahii sanadkii 2018-kii,
waxaana loo magacaabay Garyaqaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo bartay Culuumta
shareecada iyo qaanuunka, halka maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir laga
qaaday Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, waaxaana xilkaasi loo magacaabay
Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tallaabada xilka qaadista ah uu
ku sameeyay Guddoomiyayaasha maxkamadaha gobolka Banaadir waxay kusoo beegmaysaa
xilli khilaaf adagi ka dhex jiro waaxda garsoorka Somalia, gaar ahaan
guddoomiyayaasha la bedalay iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya.

Inkastoo madaxweynaha warqadda uu ku shaaciyay
isbedalkaan lagu qoray ammaan badan oo uu ujeediyay guddoomiyayaasha uu
bedalay, haddana waxaa la eegayaa is-bedalka garsoorka gobolka Banaadir ay
kusoo kordhiyaan Garyaqaannadan cusub ee maxkamadahan loo dhiibay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial