Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Guddida Heer Qaran Ee U-diyaargarawga Iyo Ka Hortaga Xanuunka Coronavirus

Hargeysa, March
14, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu
soo saaray Maanta waxa uu ku magacaabay Guddida Heer Qaran Ee U-diyaargarawga
Iyo Ka Hortaga Xanuunka Coronavirus.

Sida lagu sheegay
Wareegtadaasi Madaxweynaha oo u dhignayd sidan:-

WAREEGTO
MADAXWEYNE: 14/03/2020

Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne
oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran
ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus.

Waxaanay u
dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto
Madaxweyne

Ku: Wasiirka
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Ku: Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Wasiirka
Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Wasiirka
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Ku: Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ujeeddo:
Magacaabid Guddi

Mudanayaal,

Sida aad la
socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga
hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus
(Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha
Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay
dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo.
Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa
ka badan.

Sidaa darteed,
waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga
Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida
hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waxaan idinka
rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka
hor-tagga xanuunka Coronavirus.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial