Latest News

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Ku Simaha Raysal Wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho, July 25, 2020 (Haatuf) – Madaxweyne Farmaajo ayaa
wareegto Madaxweyne ugu igmaday  Mahdi
Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda
si kumeel gaar ah.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad
gelin qorshaha dowladda inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul
Wasaare soo dhisaya Xukuumad sii dardargelisa howlaha horyaala.

“Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka
Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed
(Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo
xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu
yidhi bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso
doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna
Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka
Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay
war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka August
2020.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial