Latest News

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Farxadda Kala Qayb-galay Dufcaddii Ugu Horraysay Ee Ka Qalin-jebisa Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka

Hargeysa, September 27, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay
munaasibad ballaadhan oo ay ku qalin-jabiyeen 400 (Afar boqol) oo macallin oo
ah dufcaddii koowaad ee ka  baxda
kulliyadda tababarka macallimiinta qaranka 
ee duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda qalin-jebinta macallimiinta, ayaa waxa
madaxweynaha kala qayb-galay madaxda ugu sarraysa wasaaradda waxbarashada iyo
tacliinta, masuuliyiinta gacanta ku haya kulliyadda tababarka macallimiinta
qaranka, macallimiinta qalinjabisay iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana
halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo bareyaasha cusub ee sida gaarka
ah ugu takhasustay tebinta cilmiga, laguna hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay
macallimiintani qaranka ugu fadhiyaan.

Ugu horrayn agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada
iyo Sayniska, Mudane Axmed Abokor oo madasha ka hadlay, ayaa si hufan uga
hadlay muhiimadda kulliyadda Tababarka macallimiinta qaranka iyo tacabka ay
wasaarad ahaan geliyeen sidii ay usoo bixi lahaayeen bareyaal  lagu carbiyey tacliin iyo hab-gudbin da’yarta
waxbaranaysa loogu talo galay.

Marwo Saamiya Maxamuud Axmed oo ka socotay Gobolka Sool
gaar ahaan God-aallo kuna hadlaysay Afka barayaasha maanta qalinjebiyey, ayaa
ka sheekaysay dedaalkii ay dhabar-adaygii ay soo muujiyeen muddadii ay
waxbarashadu u socotay, waxana ay ballan qaadday tacliinta la baray ay kula
noqon doonaan goobihii kala duwanaa ee ay macallimiintu ka kala yimaaddeen.

Hormoodka kulliyada tababarka macallimiinta qaranka,
Mudane Axmed Cumar Quule, ayaa si qoto dheer u sharraxay heerarkii kala duwanaa
ee ay soo martay kulliyaddu, waxana uu caddeeyey inuu kalsooni badan ku qabo
tayada barayaasha qalinjabiyey, islamarkaana ay yihiin kuwo u qalma in jiilasha
cusub ee qaranka usoo kacaya lagu aamino.

Wasiirka wasaararadda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane
Axmed Maxamed Diiriye, ayaa dhinaciisa ugu horrayn bogaadiyey bareyaasha maanta
ka qaliinjabiyey kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranka, isaga oo ku
dheeraaday muhiimadda uu macallinku leeyahay iyo abaalka aan duugoobi Karin ee
ay bulshada ku leeyihiin.

Wasiirku waxa uu sharraxay ujeeddada laga leeyahay
bareyaasha la tababarayo iyo nooca macallinka ay wasaarad ahaan doonayaan inuu
kulliyadda kasoo baxo, “Tababarkani waxa uu kamid noqon doonaa ruqsadda ama
liisanka la siin doono macallimiinta ee lagu doonayo in marka uu dhammaado
sannadka  2022-ka inaanu Somaliland wax
ka dhigi Karin macallin aan ruqsad haysaninni, waxa ku jirta oo kale inuu
xirfadda togan ee wax-dhigista yaqaanno (Teaching methodology),” ayuu yidhi
wasiir Axmed Maxamed Diiriye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa bogaadin iyo hambalyeyn kaddib guul
iyo yool uu qaranku lahaa oo la gaadhay ku tilmaamay inay soo baxaan
barayaashii sannado ka hor loo furay kulliyaddu, isaga oo tababarkana ku
tilmaamay mid lagu soo saarayo macallimiin xirfad sare leh oo soo saaraya arday
dhinac walba ka dhisan.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda gaarka ah ee ay
bahda waxbarashadu qaranka u leedahay iyo sida ay laf-dhabarta ugu yihiin
horumar kasta oo la gaadho, “Waxaynu qiraynaa in bahda waxbarashadu yihiin
halka dalku ka dhismayo ee mustaqbalkeennu ku jiro, taana waxba ka hagran
mayno, wax danteennu reebto mooyaane,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin
guddoonsiiyey barayaasha ka qalinjebiyey kulliiyadda tababarka macallimiinta
qaranku, isaga oo dhinaca kalena dhagax-dhigay dhismeyaal cusub  oo hoy seexasho u noqon doona macallimiinta
kulliyadda.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial