Latest News

Midowga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dib U Dhaca Wakhtiga Guddida Doorashada Soomaaliya Hor Imanayso Baarlamaanka

Muqdisho, May 26, 2020 (Haatuf) – Midowga yurub ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca taariikhda uu guddida doorashooyinka Soomaaliya barlamaanka hor imanayso si uu usoo bandhigo warbixin laga sugayo oo ku saabsan doorashada iyo waqtigeeda.

Wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga,
ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray walaaca uu ka qabo dib u dhaca ku yimid
warbixinta guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiga ayaa qorshuhu ahaa in ay barlamaanka hortagaan 27
May, balse dib u dhigis lagu sameeyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee
barlamaanka ayaa sababtay in laga dhigay 27 June waqtiga uu guddigu hor
imaanayo barlamaanka, halka kalfadhigu furmayo 7 june.

Beesha caalamka ayaa il gooni ah ku haysa doorashooyinka
Soomaaliya, iyagoo dowladda federalka ku booriyay in la qabto doorasho aan
waqtigeedii ka dib dhicin oo lagu wada qanacsan yahay.

Balse, waxaa muuqata in aysan weli dowladda federalka
qaadin tilaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee loogu diyaar garoobayay doorashadaas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial