Latest News

Wasiirka Arimaha Dibadda Malawi Oo Booqasho 2 Maalmood Ah Ku Yimid Hargeisa Kadib Markii Uu Martiqaad Rasmi Ah Ka Helay Xukuumadda Somaliland

Hargeysa,December 19,2020(Haatufonline)-Wasiirka Arimaha Dibadda ee Malawi Nduwa Mkaka ayaa maanta galinkii hore soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu ku joogi doono booqasho laba maalmood ah ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.Siday tibaaxeen ilo ku dhaw dhaw wasaaradda Khaarajiga Somaliland waxa la filaya in Mr Mkaka iyo masuuliinta Somaliland ay ka wada hadlan sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen arrimo dhinacyo kala duwan taabanaya oo ay sheegeen in faahfaahintooda saacadaha soo socda lasoo saari doono.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*