Latest News

Xaflad Ay Culimo Wahaabiyiin Ahi Ka Horyimaaddeen Oo Ku Qabsoontay Hargeysa

Hargeysa December 13,2019(HF-Online)-Xaflad ay ka heesaysay fanaanafda caanka ah ee Farxiya Kabayare ayaa habeenimadi Khamiisti xalay lagu qabtay Hotel Gulaid oo ku yaala caasimadda Somaliland ee Hargeysa.Bandhig faneedkan ayaa waxa isku dayey in la joojiyo gudida la magacbaxday Wanaag Farista iyadoo ay gudidaasi xukuumadda iyo mulkiileyaasha hudheelada ugu baaqday in aanay ogolaanin qabashada xafladaha noocaas ah oo dalka laga mamnuuco. Kooxdan wanaag farista ayaa waxay sheegeen in xafladaha ay ka heesaan dumurku ay macsi iyo akhlaaq xumo bulshada ka dhex abuurayaan.Hasa yeeshee xafladdan fanaanadda Farxiya Kabayare oo ogolaanshe ka haysatay Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidii loogu talogaly u qabsoontay mana jirin wax dhibaato ah oo ka dhacday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*