Latest News

Khatarta xanuunada beerka ee uu sababo miisaanka jirkaaga iyo sida aad uga badbaadi karto

Mid ka mid ah siddeeddii qof ee qaangaarka ah ee da’da dhexe ee UK waxa uu qabi karaa nooc kamida xanuunnada ku dhaca beerka, iyadoo lala xiriirinayo miisaanka qofka oo ah mid badan ama cayilan.

Baaritaanno goor sii horreysay lagu sameeyay ku dhawaad 3,000 oo qof oo ka socda mashruuca cilmi baarista ee UK ee Biobank ayaa muujiyay in 12% uu beerku bararay cayil iyo dufan awgiis.

Hay’adaha qaabilsan Beerka ee Ingiriiska ayaa sheegay in natiijooyinka “aad u naxdinta leh” ay ahaayeen ‘digniin toos ah’ sababtoo waxa lagu tilmaamay in xaaladahaasi ay horseedi karaan beerka oo saqeyn waaya iyo dhimasho.

Dhakhaatiirta cagaarshowgu waxay sheegeen inuu jiro cudur faafa oo aan si dhaqsa ah looga war helin isla markaana ka dhashay beerka xayrta leh.

Tani waxay si gaar ah u keentay walaac baahsan, sababtoo ah astaamuhu inta badan ma soo baxaan ilaa waxyeello joogto ah lala kulmo, hase yeeshee, xaaladdu waa mid lala tacaali karo haddii waqtigeeda lagu ogaado.

Dib ugu noqoshada xaalad caadi ah

Frances Carroll
Qoraalka sawirka, Frances Carroll xilliga uu ku dhacayay beer xanuunka

Frances Carroll, oo 52 jir ah, kana timid Oxford, ayaa loo sheegay in ay qabto xanuunka lala xiriiriyay beerka xayrta leh toddobo sano ka hor.

Waqtigaas waxa uu miisaankeedu ka badnaa , 116 kiilo.

Waxay lumisay ku dhawaad kala bar, Frances ayaa tiri: “Waan naxay markii la ii sheegay in beerka uu xanuun iiga dhacay, laakiin waxaan go’aansaday inaan wax ka qabto. Waxaan bilaabay inaan cuno cunto caafimaad leh, kadibna aan ku daro jimci iyo dhaq-dhaqaaq jireed, waxaan ku faraxsanahay in beerkaygu uu ku soo noqday si caadi ah.”

Frances waxa ay goor dambe bixineysay xiisado la xiriira jir dhiska iyo iyo tababarka nafaqeynta jirka ee cuntooyinka caafimaadka leh.

Waxay tiri: “marka aan dib ugu noqdo 2011-kii isma lahayn kuma fikirin in aan noqon doono tababare gaar ah. Aad ayan u neef guri jiray marka aan meel aadayo ama wax yar aan socdo, markii dambana waxa aan ku ordi jiray buuro!”

Waxayna gashay baaritaanka nooca ‘MRI scan’ ah kaas oo muujiyay in beerkeedu uu caafimaad qabo mar kale.

Natiijadii ka soo baxday baaritaanka MRI, oo ay hogaaminayeen saynisyahano ku sugan Oxford, ayaa lagaga dhawaaqay shirweynaha caalamiga ah ee beerka ee ka dhacay Paris.

Waxa suurtageliyay qalab loo yaqaan LiverMultiScan, oo ay samaysay shirkadda Perspectum Diagnositics, oo ah shirkad ka aasaasantay Jaamacadda Oxford.

Dr Rajarshi Banerjee, oo ah maamulaha Perspectum Diagnostics ayaa yiri: “Qalabka LiverMultiScan waa tusaale weyn oo ah tignoolajiyada caafimaadka ee ay heleen oo ay horumariyeen dhakhaatiirta UK iyo saynisyahano faa’iidooyin cad u leh bukaanada, NHS, iyo canshuur bixiyayaasha.

Ka-qaadista cirbadaha ayaa ah halbeegga dahabiga ah ee lagu qiimeeyo xanuunka beerka, laakiin waa qaali, xanuun ayey wataan iyo sidoo kale khataro caafimaad.

Beerka
Qoraalka sawirka, Beerka

Qalabka waxaa loo isticmaali karaa iskaanka MRI kasta laakiin weli laguma arkin dhaq-dhaqaaq caafimaad oo caadi ah.

Southampton General waa cosbitaalkii ugu horeeyay ee NHS u isticmaala nidaamka cusub ee ka baxsan cilmi baarista.

Daraasado hore ayaa soo jeediyay in ku dhawaad 20kii qof ee qaangaarka ah mid ka mid ah uu yeelan karo nooca halista ah ee xanuunka beerka ee dufanka, kaas oo loo yaqaanno NASH.

Steve Ryder, oo ah lataliye ku takhasusay beerka oo ku sugan Nottingham ayaa yiri: “Daraasaddani waxay waafaqsan tahay waxa aan ku aragno dhulka, dad badan ayaa u imaanaya isbitaalka kuwaas oo qaba xanuunka dufanka ee beerka, iyadoo inta ugu badan ee sababtooda loo arkoin ay tahay miisaankooda oo xad dhaaf ah awgeed”.

Boqolkiiba sagaashan xanuunka kano o kale ah eek u dhaca beerka ayaa la dabiibi karaa balse waa haddii waqtiga rasmiga ah lagu helo daweynta.

Judi Rhys, oo ah madaxa fulinta ee Hay’adda Beerka ee Ingiriiska ayaa tiri: “Yareeynta khamriga waa muhiim taas oo dadka intooda badan ay hore u garanayeen, laakiin cudurka beerka dufanka leh waxyaabaha ugu muhiimsan waa in la yeesho miisaan caafimaad leh iyo samaynta jimicsi.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*