Latest News

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Yeeshay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa, August 25, 2020 (Haatuf) – WAR-SAXAAFADEED:- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga
madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka qaranka
Somaliland.

Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay
madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee
golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii
diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo  xusay inay u bandhigeen xisbiyada qaranka,
waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen
xilliga ay muddeeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku
bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka,
wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga
qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta
diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka.

Ugu danbayn waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida
doorashooyinka qaranku isla meel dhigeen in si wada-jira loo wajaho qabsoomidda
doorashooyinka.

 ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial