Latest News

Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Ficilada Dimuqraadiyad Iyo Xasilooni La’aanta Ah Ee Ka Socda Somalia

Hargeysa, April 14, 2021 (Haatufonline) – War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland ayaa lagu sheegay in dawlada Jamhuuriyada Somaliland ay aad uga walaacsantahay ficilada dimuqraadiyad iyo xasilooni la’aanta ah ee ka socda dalka ay jaarka yihiin ee Somalia.

Warbixinta ay soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in “Ismarinwaaga siyaasadeed ee maanta taagani wuxuu markhaati u yahay macangagnimada hogaaminta Farmaajo, taasi oo khatar ku ah amaanka iyo degenaanshaha gobolka.

Hadii ay sii socdaan ficilada noocaan ahina waxay sababi karaan dagaalo sokeeye oo markale Somalia ka qarxa, oo keena barakaca kumanaan shacab ah oo u qaxa dalalka jaarka la ah oo ay ku jirto Somaliland.

Waxanu ku boorinayna dadka adkaysiga badan ee reer Muqdisho kuwaasi oo dhexda ugu jira Al-shabaab iyo xukunka macangaga ah ee Farmaajo kaasi oo aan tixgalin xuquuqda adanaha iyo inay xajistaan nabad galyadooda,”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*